abaalgud
(m.l) (-dyo, m.dh)1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid.
abaalgud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaalgud ↴
abaalgudid [m.f.dh]
eeg abaalgud². ld abaalgud¹.
abaalmari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof u abaalgudid.
ajar [m.l]
1. ld ajir, ajri. Abaalgud Eebbe siiyo qof camal wanaagsan sameeyey. 2. ld ajarid.
billad [m.dh] (-do, m.l)
Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iwm middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
galladayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe).
mudo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-utay, -udatay)
1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
xasanaad [m.l]
1. Camal wanaagsan oo loo falo ka raalinimada Eebbe in lagu gaaro. 2. Abaalgud lagu helo camal wanaagsan oo la sameeyo.