abbaan
(m.l) (-nno, m.dh)1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abbaan ↴
abbaanduul [m.l]
Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.
abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.
abbaannimo [m.dh]
Abbaan ahaansho.
abbaansasho [m.f.dh]
eeg abbaanso. ld abbaansi.
abbaansi [m.l]
ld abbaansasho.
abbaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Cid abbaan u noqosho (qof).
abbaanwarre [m.l] (-rrayaal, m.l/dh)
Laba isu dhaxday kan labka ah; say.
ammaanduul [m.l] (-llo, m.dh)
ld abbaanduul.
ammaanduule [m.l]
ld abbaanduule.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg