adeer
(m.l) (-rro, m.dh)1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adeer ↴
aadeer [m.dh]
eeg adeeryo. adeeryo
gaadeeryo [m.dh]
1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
aayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.
abtibadbaadeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.
adeernimo [m.dh]
Adeer ahaansho.
adeeryo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Goodirka midkiisa dheddig. ld aadeer.
ilma-adeer [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Ilmaha laba nin oo walaala ah ay dhaleen waxa ay isu yihiin.
ina-adeer [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(ilma-adeerro, m.dh) Wiil ama gabar adeer dhalay.
jadeer [m.l]
1. (bot.) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.