adhaxle
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adhaxle

madax-adhaxley [m.dh]
(c.nafl.) Faylam hoosaad ka tirsan adhaxleyda oo xubnaha ka tirsan oo dhani ay yaryaryihiin, dirxiga ayey u egyihiin, waana xayawaan biyood ku nool ciidda. Astaamahooda waxa ka mid ah a) Maskax ma leh, b) qalfoof lafeed ma leh. Tusaale: amfiyooksas. ld madax-araxley.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg