adkaan
(m.f.dh)eeg adag. ld adayg, adkaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adkaan ↴
taag [m.l] (-gag, m.l)
1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. ld taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
adayg [m.l]
ld adkaan.
adkaansho [m.f.dh]
eeg adkow. ld adkaan.
aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.
badi [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.
biyo-fududayn [m.dh]
(kiim.) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.
calooladkaan [m.f.dh]
eeg calool-adag. ld calool-adayg¹, calool-adkaansho.
calooladkaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg calooladkow. ld calool-adkaan.
curdan [m.l]
1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun.