adkayn
(m.f.dh)

eeg adkee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adkayn ↴

taab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.

xalfoof [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.

baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.

biciriir [m.l]
Eegitaan aan indhaha dhab loo kala qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog badani ka hor yimaado.

biciriirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Indhaha oo aan dhab loo kala qaadin oo muruqyadooda la adkaynayo wax ku eegid.

bishkil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Tigin ama qori yar oo wax ku shakarid, ku adkayn. ld bishil².

budaddar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Soor bislaatay budo ku adkayn.

cuslee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.

dhacmi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ood xaro xoolaad afka ka saarid. 2. Ood weyn, cufan, xero ku adkayn. ld dhacami.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg