adkaysi
(m.l)1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. ld adkaysasho.
adkaysi
(m.l)(daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adkaysi ↴
daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
adkaysan [m.l]
ld adkaysi.
adkaysasho [m.f.dh]
eeg adkayso. ld adkaysad, adkaysi.
adkaysiinyo [m.l]
Dulqaad loo yeesho dhibaato.
adkaysin [m.l]
Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iwm.
adkayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.
ayro [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.
cabban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof).