akhrin
(m.dh)

ld akhriyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh akhrin

jaahil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab kas-gaab

laaxin [m.l]
Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.

naawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.

ummi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
U. ah: qof aan wax qori karin waxna akhrin karin.

afxir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xoolo lumay quraan u akhrin si aan dugaag u cunin. ld aftuur².

akhriyid [m.f.dh]
eeg akhri. ld akhrin, akhris.

arbucuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin.

caamo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.

casiimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Cid casiimo ku akhrin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg