akhriyid
(m.f.dh)eeg akhri. ld akhrin, akhris.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh akhriyid ↴
kaadishir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato.
nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
nabaaddiinee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
akhrin [m.dh]
ld akhriyid.
akhris [m.l]
ld akhriyid.
asmee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
Asmo ku akhriyid; ku ganid.
codee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
faataxee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Faataxo akhriyid.
fiddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.