alaab
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alaab ↴
saabbilaash [m.l]
Saab weyn oo alaabta lagu rito. saab
jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu
shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo
lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo
daabbul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.
saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.
yucub [m.l]
(bot.) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
aar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.
alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.
alaab ceyriin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld alaab caydhiin.
alaabayn [m.f.dh]
eeg alaabee.