alaabo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)ld alaab.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alaabo ↴
yucub [m.l]
(bot.) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
alaab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
alaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Guri, xafiis iwm alaabo dhigid.
fansaar [m.l]
1. Alaabo yar oo aan cuslayn oo gaadiidka dheegga laga saaro marka la raraayo. 2. ld fangelid.
farsho [m.dh]
Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. ld firsho (1).
firsho [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) ld farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
jabqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.
kharrib [m.l]
Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbur-sho, kharaab laga dhigo. ld kharribaad.
maar [m.dh]
1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato.