cosob
(m.l)

Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cosob

fiito [m.dh]
1. Ubax aan weli dillacin o isku duuban. 2. Caws cosob ah oo aan la daaqin. 3. Dhaawac biskoon waayey. 4. Cudur idaha irmaan naasaha ka gala.

suugaan [m.dh]
1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.

xoorsato [m.dh]
Xoolo dhaqato hadba meel daaq cusub u doonata oo aan negaanaynin in badan; cosobsato.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg