dabin
(m.l) (-nno, m.dh)Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabin ↴
caaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
laandhici [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigayo geed qoyan u dhigid.
caaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.
cimilgal [m.l]
1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. ld cilmigelid.
coofley [m.dh]
1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
dabindhuud [m.l]
Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
dabinqool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool.
dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.
dab [m.dh]
Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.
dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.