falag
(m.l)

ld feleg.

falag
(m.dh)

ld falko.

falag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lgay, -lagtay)

ld falki.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falag

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

cilmifalag [m.l]
Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada.

falagsad [m.l]
ld falkasho.

falagsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld falkan².

falagsanaan [m.dh]
ld falkanaan.

falagsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld falkanaan.

falagsasho [m.dh]
ld falkasho.

fal [m.l] (-lal, m.l)
1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid.

fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.

fal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg