falan
(m.l)

1. F.kay, f.kaa iwm: dartay, dartaa iwm. 2. “F.kiisii gal!”: “Arrintiisii gal!”.

falan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

1. Wax sixran noqosho. 2. Beer wax la falay noqosho. 3. Dhul wax la banneeyey noqosho.

falan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax la falay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falan

faalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
ld falan². falan

naaqish [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
La n.: arrin falanqeyn.

waddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.

dood [m.dh] (-do, m.l)
Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.

falaanfalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax falaanfal lagu sameyay ahaansho. ld falaanfulan.

falaanfalax [m.dh]
ld falanfalxo.

falaanfallow [m.l]
ld falanfallow.

falaanfalxo [m.dh]
ld falanfalxo.

falaanfullow [m.l] (-wyo, m.dh)
ld falanfallow.

fal [m.l] (-lal, m.l)
1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid.

fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.

fal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg