falnaq
(m.l) (-qyo, m.dh)(daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falnaq ↴
jirrid-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
maskax-dambeed [m.dh] (-yo, m.dh)
(c.nafl.) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
muruq iraadla' [m.l] (-qyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.