faniin
(m.l)ld finiin¹.
faniin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nay, -ntay)ld finiin².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faniin ↴
faniini [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld finiini.
faniinid [m.dh]
ld finiinid.
faniinin [m.dh]
ld finiinin.
faniinis [m.l]
ld finiinin.
faniinto [m.dh]
Nooc digirta ka mid ah, yaryar oo marka balaggeedu qallalo iskii u qarxada.
finiin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. ld faniin¹.
finiin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tus. “Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay”. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tus. “Dhagax baa soo finiinay”. 3. Xoolo gaar u cararid. Tus. “Faras baa naga finiinay”. ld faniin².
finiini [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ordaya wax dul saaran ka ridid. 2. Wax sida biyo dhagax iwm xoog u firdhin. Tus. “Axmed baa biyo nagu finiiniyey”. 3. Neef xooluuhu ku jirey ka cayrin. ld faniini.