gardaadi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Si loo xambaaro, ilmo afartan beri jirey lugaha u kala bixin; bannaanbixi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gardaadi

urun [m.l]
Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.

dadab [m.l] (-byo, m.dh)
1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.

dadabxambaar [m.l]
Si gudub ah oo ilmo aan la gardaadin loo xambaaro. ld dadabhambaar.

dadabxambaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarid.

dadabxambaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarasho. ld dadabxambaaro.

gardaadin [m.f.dh]
eeg gardaadi. ld gardaadi.

gardaadis [m.l]
ld gardaadi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg