garraar
(m.l)

1. Guntinta isu haysa labada dacal ee sare ee guntiino iwm. 2. Dagta laga xirto guntiino iwm. ld garxi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garraar

nabas [m.dh]
1. Meesha u dhexeysa jidhka iyo marada dumarku garraarsadaan ee ku abbaaran caloosha. 2. Timaha ka baxa gumaarka dadka; bisqan. ld namas.

gar [m.l] (-rar, m.l)
1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.

garayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax, inuu garyahay qirid. 2. (f.mg) Garays xirasho. 3. (f.mg) Garraar xirash.

garraarad [m.l]
ld garraarash.

garraarasho [m.f.dh]
eeg garraaro. ld garraara.

garraari [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U g.: cid garraar u xirid (haween.

garraarin [m.f.dh]
eeg garraari. ld garraari.

garraaris [m.l]
ld garraari.

garraaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Garraar xirash.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg