gasar
(m.l)

Cudur ku dhaca xiriirta lafdhabarta oo qaarka sare isku jajabiya oo dadka tuur u yeela; faj.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gasar ↴

faje [m.l]
(daaw.) Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. ld fajo, fujo.

gasariir [m.dh] (-rro, m.dh)
Ceeb wey.

gasariir [m.l]
1. Abaar daran. 2. Turriinsho la'aan; naxdiin la'aan. ld geseriir.

gasariir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax abaar darani heshay ahaansho. 2. Wax aan raxmad lahayn noqosho. ld geseriir.

gasariirid [m.f.dh]
eeg gasariir². ld geseriiri.

gerseriir [m.l]
ld gasariir.

geseriir [m.l]
ld gasariir.

geseriir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld gasariir.

geseriirid [m.dh]
ld gasariiri.

gas [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Timo ama dhogor dheer oo aan la daryeellin. ld gasaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg