gedfan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

ld gadfa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gedfan

dhul-duniyeed [m.l]
(c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.

gadfan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. ld gedfan.

gadfanaan [m.f.dh]
eeg gadfan. ld gadfanaansho, gedfanaan, gedfa- naansho.

gedfanaan [m.dh]
ld gadfanaa.

gedfanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gadfanaa.

gibil [m.l]
(jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoom.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg