geeddi
(m.l)

1. Socod meel la degganaa lagaga guuro oo meel ka durugsan laga dego. 2. Dad iyo xoolo guuraya oo aan weli degin. 3. Fogaan gelin socod ah. 4. Xarig dhuuban oo hal mar raro la mariyo. 5. Duub xirig ah, dhuuban oo rarada lagu sameey.

geeddi
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iyay, -iday; -iyi)

Guurin, guuri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geeddi

gaabbaguul [m.l]
U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

gaabbaguul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

ool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lay, -ooshay)
1. ld aal 2. Socod, geeddi iwm ka baaqasho. 2. Ka o.: wax helitaankooda ka quusasho.

fulful [m.l]
Raar geeddigu kala fogyahay oo aan marriin lahayn.

furmo [m.dh]
Meel geeddi ku nasto.

geeddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
ld geeddiggel.

geeddeys [m.l]
ld geeddiggeli.

geed [m.l] (-do, m.l)
Nooc dhirta ah oo leh jirrid oo iskeed isu taagi karta iyo laamo leh oo dhulka ka kacsa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg