geli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Cid, wax dhaxdii, wax kale gaarsiin, ku ridi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geli ↴
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo.
2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid
waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor. arooryo, jeer, goor, subax, waqti, xilli
jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee
taabbaggeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax meel mar ah, ka dhigid.
taabbaggelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabbaggal². ld taabbaggal¹. taabbaggal, taabbaggal
taabbaggelin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabbaggeli. taabbaggeli
jaahwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri. jahawareeri
baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.