geysasho
(m.f.dh)

eeg geys.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geysasho

qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

anafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Cid anafo u geysasho.

aruurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.

cageysasho [m.f.dh]
eeg cageyso. ld cageysad, cageysi.

daangeysasho [m.f.dh]
eeg daangeyso. ld daangeysad.

dhegeysasho [m.f.dh]
eeg dhegeyso. ld dhegeysad, dhegeysi.

dibindaabyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Wax dibindaabyo u geysasho.

ergeysasho [m.f.dh]
eeg ergeyso.

farasaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dagaal aan weyneyn cid u geysasho.

faylaggoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
1. Nafley boqongoyn. 2. Cid khasaare ballaaran u geysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg