geyso
(f.g/lg3) (-stay, -satay)

1. Wax meel ku sugan meel kale dhigasho. 2. Cid wax gaarsiin. 3. Cid waxtari.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geyso

cageyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Neef irmaan sacab ku maalid.

daangeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Badar daango ka dhigasho.

dhegeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Dhawaaq, shanqar iwm dheg u dhigid. 2. Cid hadal loo soo jeedinaayo ismoogeysiin.

ergeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ergey dirasho.

hogeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax hog ku bislaysasho.

isugeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Laba tiro ama ka badan iskudarid. 2. Dhibaato is badid.

jugeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Dhar la dhaqay baaf iwm gudihiisa ku garaacasho ama ku xafuujisasho. 2. Haad turub oo fas badan laga hayo degasho (ciyaar turub) ld jukeyso.

lacageyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Badeeco lacag ku beddelasho. 2. Lacag yeelasho.

milgeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.

gey [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
Guur u qalmi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg