gibillo
(m.dh)Daruuro badan oo biyeysa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gibillo ↴
cimilo-gooreed-daqas [m.dh]
(juqr.) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada.
gibil [m.l]
Haragga ama maqaarka sare ee dadka iyo xoolah.
gibil [m.l]
(jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoom.
gibil [m.dh] (-llo, m.dh)
Saan korka laga saaro awrka marka rarka loo dhammeeyo; lamm.