gud
(m.dh)Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib.
gud
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-day, -dday)1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gud ↴
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
kaad [m.l]
1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha.
2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku
mudan midkood.
kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo
miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana
soo gudba dhuunta kaadimareenka.
kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo
shilintu keento midabka kaadiduna guduud
ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca
oo kaadida caseeya.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
taabbaggud [m.l]
ld taabbaggudid. taabbaggudid
g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta
afka soomaliga, ahna shibbane.