guf
(m.l) (-faf, m.l)

1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro.

guf
(m.dh)

Hanti yar oo la siiyo qaraabada ama waalidka gabar la aroosay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guf

uguf [m.l] (-fyo, m.dh)
Sabuul meseggo, oo qaaday cudur ama biyo la'aan heshay awgeed, oo aan yeelan badar fiican.

ugufaa [m.l]
Dibi laba jir ah.

urgun [m.l] (-unno, m.dh)
Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.

basalt [m.dh]
(jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.

bishkil [m.l] (-llo, m.dh)
Qori yar oo xalleefsan mayrax iwm oo dalool yar la agu gufeeyo. ld bishil¹.

cadaadis-yar [m.l] (-yo ..., m.dh)
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.

cub [m.l]
1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹.

cub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Dalool yar gufeyn. ld cug².

cufayn [m.dh]
ld gufeyn.

cufays [m.l]
ld gufeyn.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg