hamuun
(m.dh)Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.
hamuun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-uumay, uuntay; -uumi). 1. Wax aad u rabid. 2. Cunto aad u rabid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hamuun ↴
haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati
halac [m.l]
1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
hamuumid [m.dh]
eeg hamuun².
hamuungorayo [m.dh]
ld hamuungorgor.
hamuungorgor [m.l]
Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.
hamuuntir [m.l]
Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
hamuuntir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof cunto yar oo hamuun lagu bi'iyo siin.
hamuuntirad [m.l]
ld hamuuntirasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg