harraad
(m.l)Baahi biyo loo qabo.
harraad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Biyo u baahasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh harraad ↴
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
oon [m.l]
Baahi biyo la cabbo loo qabo; harraad.
oonbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel.
aqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley gaajo iyo harraad badan badid. ld caqi.
asqo [m.dh]
1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. ld aqso.
asqoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. ld aqsoo, aqsow, asqow.
cawaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Maroodi, si uu u harraad beelo, dhir dhacaan leh ruugid.
dhama' [m.l]
1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. ld dham'id. ld dala'¹.
dhama' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-m'ay, -ma'day; -m'i)
Gaajo iyo harraad la dayoobid. ld dala'².