heeraaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heeraaran ↴
heeraarnaan [m.f.dh]
eeg heeraaran. ld heeraarnaansho.
heeraarnaansho [m.l]
ld heeraaran.
heeraar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iwm oo meel ku wareegsan.
heeraar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iwm meel ku wareejin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg