heerkulbeeg
(m.l) (-gyo, m.dh)(fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heerkulbeeg ↴
heerkul [m.l] (-lyo/-lo, m.l/dh)
(fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
heerkulbeege [m.l]
ld heerkulbeeg.
meerkuri [m.l]
Hoore bir ah cad cufnaan weyn oo badanaa loo adeegsado heerkulbeegyada. ld meerkiyuuri.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg