hillaac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Iftiin xoog leh oo daruuraha isku dhaca ay bixiyaan waqtiga roobka.

hillaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

Daruuro isku dhacay iftiin bixin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hillaac ↴

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

duufaan-onkodle [m.l] (-nno ..., m.dh)
(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

hillaacid [m.f.dh]
eeg hillaac².

walalac [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. Hillaac weyn ama is-haysta muuqashadi, baalqaadki. 2. Iftiin kasta oo sida kan hilaacaas isha mar u mara. ld walac.

walalaclee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Roob hillaac bixin. ld walaclee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg