kala
(qr.fk)1. Qurub tilmaamaya wax ka durkid ama ka soocmid. Tus. “Way kala tegeen. Kalluunka yaa kala yaqaan?”. 2. Qurub tilmaamaya ka gooni ahaansho. Tus. “Way kala fiicanyihiin”.
Kalakics*
Erayga kalakicis wax uu ka yimid ciyaalka xaafada Waana earay Laatiini ah Micnahiisana waxa weeye:
Isii waxan u baahanahay oo jamac ah
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kala ↴
aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay
kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin
marka tiradu midig ka raacdo toban ku
dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo
tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel
maran. ebar
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
jaad [m.l]
1. ld qaad 1. Geed caleentiisa,
laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la
calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc.
3. Kala jaad: kala duwan. qaad, nooc
baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
maaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef.
2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld
maaddad. maaddad
raabaraabe [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb] (-bayaal, m.l/dh)
Laba kooxood ama wax ka badan oo kala
dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox.
ld raaberaabe. raaberaabe
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.