kalax
(m.l) (-xyo, m.dh)

1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalax

dhankalax [m.l]
ld dhanqalan¹.

dhankalax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
ld dhanqalan².

dhankalaxid [m.dh]
ld dhanqalmid.

galax [m.l]
1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.

kalaxayad [m.l]
(fiis.) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.

kalaxayasho [m.f.dh]
eeg kalaxayo.

kalaxayo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yday, -ytay)
Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.

kalaxigsad [m.l]
ld kalaxigsasho.

kalaxigsasho [m.f.dh]
eeg kalaxigso. ld kalaxigsad, kalaxigsi.

kal [m.l] (-lal, m.l)
1. Waa; goor; sano. 2. Miile.

kal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.

kal [m.dh]
(jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg