kalgal
(m.l) (-llo, m.dh)Habka ay curiyayaasha kiimikadeed ay u nidamsan-yihiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalgal ↴
kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.
kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
maanganiis [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
naatariyam [m.l] (-mo, m.dh)
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka).
ogsajiin [m.dh]
(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
aayodhiin [m.l]
(kiim.) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
alluumiiniyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
balambam [m.l]
(kiim.) Summad: Pb. Curiye cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee, waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh. Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs), angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt (PbCO ).
biraha-alkaali [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).