kalkaaliye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)Nin loo tababbaray inuu kaalmeeyo dhakhtarrada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalkaaliye ↴
nikal [m.l]
(kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg