kati
(m.l) (-iyo, m.dh)Bir af dhuuban oo waranka gadaal laga gesho. ld taki.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kati ↴
kaddib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Rasaas iwm dhici waayid. ld katib.
kaddiifad [m.dh] (-do, m.l)
Gogol dun adag, cudbi iwm ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. ld gaddiifad, kaddiifo, katiifad, qaddiifad.
katib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
ld kaddib³.
katiifad [m.dh]
ld kaddiifad.
katiinad [m.dh] (-do, m.l)
Silsilad.
sakati [m.dh]
Cabsi yar shaki.
sakati [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
sakatin [m.dh]
ld sakatiyid.
sakatisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax naxsan ahaansho (qof).
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.