qallac
(m.l)1. ld qallaco. Laba qalbac ee qori la kala jeexay oo geela wax diida faruuryaha inta xarig lagula qabto looga xiro, si marka uu xanuunsado uu u oggolaado dhashiisa ama mid kale ama uu u oggolaado. 2. Shiraac doon oo dhuuban oo daqalka korkiisa lagu xiro.
qallac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -lici)1. Hal ilmo diidday qallac ku samayn. 2. Shiraaca doonta daqal ku xirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallac ↴
dhaabalo [m.dh]
1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.
qaldhac [m.l] (-cyo, m.dh)
Qori loo kala jeexay laba qalbac oo dabada looga xiro si uu saalada iyo neefta ugu cesho hal la doonayo in la oggolaysiiyo ilmo aysan dhalin. ld qallac¹, qallax¹.
qaldhac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Qaldhac dabada uga xirid (hal). ld qallac², qallax².
qaldhacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
ld qallacan.
qaldhacnaan [m.dh]
ld qallacnaan.
qaldhacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qallacnaan.
qallacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Qof oo geel qallacay si kadis ah ahaansho.
qallacid [m.dh]
eeg qallac².