raxmad
(m.dh)

Dareen naxariis iyo turaal leh oo dadku gaar u leeyahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raxmad

gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji

gaal [m.dh]
1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.

beerjilcan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof raxmad badan ahaansho.

beerjileec [m.l]
1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.

beernugeyl [m.l]
1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beernuglaan.

beernuglow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof raxmad badan noqosho.

beernugul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
Qof raxmad badan ahaansho.

diirnax [m.l]
Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.

diirnax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -nixi)
U d.: dareen raxmad leh cid u hayn.

gasariir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax abaar darani heshay ahaansho. 2. Wax aan raxmad lahayn noqosho. ld geseriir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg