samaysasho
(m.f.dh)

eeg samayso. ld samaysad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh samaysasho

daabo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-btay, -batay)
1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.

taaloogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-oday, -otay)
Taaloog samaysasho (qof).

tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

yeelo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-eeshay, -eelatay)
1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iwm suun u samaysasho.

araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.

cibaadeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Qof, cibaado samaysasho.

degso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iwm samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho.

dhardhaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo.

dhiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.

dhoobo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Meel istuumin (xoolo, dad iwm). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iwm) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iwm dhoobo ka samaysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg