samo
(m.l)

ld samaan².

samo
(m.dh)

Cir.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh samo

edebsamo [m.dh]
ld edebsami. edebsami

qaabsamo [m.dh]
ld qaabsami.

ursamo [m.dh]
Dabayshu xagga ay u dhacayso.

abaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Samo cid loo galo. Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.

abaaldhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan.

abaalhay [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yay, -ysay)
U a.: cid, cid kale oo samo u gashay u aqoonsanaan.

aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.

ayaan [m.l]
Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.

bileyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho.

camalsamow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maaday, -maatay)
Qof camalsan noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg