saqiir
(m.l) (-rro, m.dh)Ilmo yar. ld siqiir¹.
saqiir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Ilmo yaraan ku dhimasho. ld siqiir².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saqiir ↴
labadulle [m.l]
Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
noqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qtay, -qotay)
1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
saqiirid [m.f.dh]
eeg saqiir². ld siqiirid.
saqiirnimo [m.dh]
Saqiir ahaansho. ld siqiir-nimo.
saqiirragawrac [m.l]
Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
saqiirsuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo yar nafaqadii iyo xannaanadii uu ku kori lahaa seejin.
saqiirsuujin [m.f.dh]
eeg saqiirsuuji. ld saqiirsuujis (2).
saqiirsuujis [m.l]
1. S. ah: Qof dumar ah oo ilmo yar si xun u xannaanaysa. 2. ld siqiirsuujin.