sawiran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay)Wax la sawiray noqosho.
sawiran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax la sawiray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sawiran ↴
maab [m.l] (-bab, m.l)
Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada. khariiddada
raani [m.dh] (-iyo, m.l)
Warqad turub, ranka ka tirsan oo boqoradi ku sawirantahay. ld raaniyad.
abuudiiq [m.dh]
A. ah: badeeco diiq, astaan ahaan dusha kaga sawiran.
abuutufaax [m.l]
A. ah: macwiis tufaax astaan u ahi ku sawiran yahay.
baashi [m.l] (-iyo, m.dh)
Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. ld baash.
looxad [m.dh]
Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iwm.
maato [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. ld maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku sawiranyahay, mar kastana raaci karta; jookar.
mayl badeed [m.l] (-lal ..., m.l)
(juqr.) Halbeeg fogaansho ee lagu isticmaalo maaxidda badda oo la eg dhererka hal daqiiqo (1') ee tigraar goobo weyn oo ku sawiran isfeer la bed ah dhulka; mayl badeed waa 6,080 ft. ugu dhawaan.
qulaan [m.l] (-aammo/-nno, m.dh)
1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.
sawir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Muuqaal u eg nafley ama wax kale oo gacanta lagu masawiray ama aalad wax sawirta. 2. Qof aan caqli lahayn; nacas.
sawir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Gacan ama aalad wax suuraddooda ku muujin.