seere
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)

1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh seere

abaaseere [m.l]
Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.

abbaseere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
ld abaaseere.

antaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xad; seere; sohdin.

qaran [m.l] (-ammo/-nno, m.dh)
1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.

seer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiq kala qaybisa u samayn. 2. Cid mingis, boorane iwm ka muddeyn. ld seeree.

seeree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
1. ld seer 2. Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.

xudduud [m.l] (-do, m.l)
Soohdin; seere; xad.

xudduud [m.dh]
1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam-beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.

see [fk.we]
ld sidee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg