shakaalid
(m.f.dh)eeg shakaal².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shakaalid ↴
shakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
shakaal [m.l]
(xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.
shakaal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-aalay, -aashay)
1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.