shidid
(m.f.dh)

eeg shid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shidid

oog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.

qaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.

bixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.

cuudi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.

daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

fooxi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.

huri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.

noolee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.

qaxmi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhuxul shidid.

qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.

shid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Dab iwm hurin. 2. Nal, raadiye iwm daarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg