shushub
(m.l)

1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iwm oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.

shushub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Maro iwm dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shushub

shushuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.

shushubasho [m.f.dh]
eeg shushubo.

shushubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Maro, daah iwm shushub u yeelid.

shushubin [m.f.dh]
eeg shushubi. ld shu-shubis.

shushubis [m.l]
ld shushubin.

shushubnaan [m.f.dh]
eeg shushuban. ld shu-shubnaansho.

shushubnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld shuhsubnaan.

shushubo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg