silic
(m.l)ld silac¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh silic ↴
eedaad [m.l]
1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran. rafaad, silic, saxariir
cadaab [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
darxumo [m.dh]
Xaalad silic iyo rafaad leh. ld darxumi.
dulli [m.l]
1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid'ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
jirro-dhimireed [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
saxariir [m.dh]
Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
silac [m.l]
Dhib; rafaad; saxariir. ld silic.
silacdilyayn [m.dh]
ld silicdilyayn.
silacdilyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-eeyey, -eysay)
ld silicdilyee.
silacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax silic hayo ahaansho. ld silicsan.