siyaasad
(m.dh) (-do, m.l)1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaasad ↴
kaadar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir. kaadir
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
waddaniyad [m.dh]
Jeclaan siyaasadda madax-banaan ee dalka.
argaggixisannimo [m.dh]
Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.
bolshofiik [m.l]
(siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.
borobogaanda [m.dh]
(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.
cilmiga siyaasadda [m.l]
Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.
dhirindhiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.
diblomaasiyad [m.dh]
(siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
hantigoosad-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Hab dhaqaale, ama siyaasad, ee hantida ganacsiga, iyo warshadaha ay leeyihiin dad gaar ah, oo aan ahayn dawlad, kuwaas oo ku tartama fa'idada.